Sawir qaade lagu dilay Qaza

0
325

Duqeyn dhanka cirka ah oo ay saaka Israa’iil ka gaysatay xerada qaxootiga ee Nuseirat ee Qaza ayaa waxaa lagu dilay sawir qaade lagu magacaabo Mohammed Abd Rabbo.
Weerarka ayaa lala eegtay guriga walaashiis oo uu xilligaasi ku sugnaa oo iyadana falkaasi ku geeriyootay.
Ururka saxafiyiinta ee dalka Falastiin ayaa laga soo xigtay in tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, ciidamada Israa’iil ay dileen 161 ah shaqaale warbaahineed.
Waxay gudaha Qaza iyo Daanta Galbeed ku dhaawaceen 186 kale.
Sidoo kale ,muddadan gudaheeda waxay xabsiga u taxaabeen 51 oo ah howlwadeennada warbaahinta.