Dowladda oo sheegtay in lacagaha loo kordhiyay macallimiinta la bixinaya Jimcada

0
185

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Migos Ogamba ayaa sheegay in Jimcada soo socoto ay macallimiinta heli doonaan mushaarkooda bishii hore ee July iyo bishan Siddeedaad iyadoo ay qayb ka tahay mushaar kordhinta loo sameeyay.
Waxaa uu xusay in la bixiyay 13.5 bilyan oo shilin oo mushaaraadka loogu kordhinaya bareyaasha wax ka dhiga dugsiyada sare ee waddanka.
Tani ayaa qayb ka ah dhaqangelinta heshiiskii gorgortanka ku saleysnaa ee CBA ee la isku afgartay inuu shaqeeyo laga soo billaabo 2021-kii ilaa 2025-ka.
Wasiirka ayaa intaais ku daray in la shaqaaleysiinaya 20,000 oo macallimiin dheeraad ah.
Sidoo kale waxaa uu xusay in si joogto ah loo howlgelinaya 46,000 oo ah macallimiinta wax ka dhiga fasallada hoose ee dugsiyada sare ee JSS.