Waxaa la xaqiijiyay dhimashada hal qof ka dib markii uu maanta shil ka dhacay aagga Kajiunduthi ee ismaamulka Tharaka Nithi gaar ahaan qaybta waddada wayn ee isku xirta dowlad deegaannada Meru iyo Nairobi .
Shilka ayaa u dhexeeyay baabuur shakhsiyeed iyo labo ka mid ah gawaarida xamuulka qaada.
Goobjoogeyaal ayaa laga soo xigtay in baabuurka khaaska ah iyo mid ka mid ah gawaarida xamuulka ee shilka galay ay isku meel ku wajahnaayeen halka midka kale oo caano siday uu dhanka kale ka soo socday.
Waxaa isla goobta uu shilka ka dhacay ku geeriyooday hal ruux iyadoo dhowr kalena ay dhaawacmeen.
Dadka ay dhaawacyada culus soo gaareen waxaa ka mid ah wadeyaasha labada baabuur ee xamuulka waxaana la geeyay oo lagu daaweynaya isbitaalka magaalada Chogoria ee ismaamulka Tharaka Nithi.