QM oo ku baaqday in la joojiyo xiisadda Israa’iil iyo Xisbullah

0
159

Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo xiisadda sii kordhaysa ee u dhexeysa Israa’iil iyo ururka Xisbullah ee dalka Lebanon.
Tani ayaa timid ka dib markii labada dhinac ay rasaas culus isku waydaarsadeen xadka Koonfurta Lubnaan.
Xisbullah ayaa wacad ku martay in ay sii wadi doonto weerarrada ka dhanka ah Israa’iil .
Dhanka kale , waxaa lagu soo warramayaa in ururka Xamaas ee Falastiin uu diiday shuruudo hor leh oo ay Israa’iil ku xirtay wada hadallada xabbad joojinta ee Masar.
Xamaas ayaa dalbatay in Israa’iil ay u hoggaansanto shuruudaha soo jeedintii xabbad joojinta ee madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC.