Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ballan qaaday in la horumarinaya waaxda beeraha

0
202

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee waddanka Dr. Andrew Karanja u ballan qaaday in dowladdu ay garab buuxa ku siin doonto sidii loo horumarin lahaa waaxda wax soo saarka.
Waxaa uu sidoo kale ballan qaadkan u sameeyay wasiirka iskaashatooyinka iyo ganacsiyada yaryar Wycliffe Oparanya.
Gachagua ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulka madaxweyne William Ruto ay ka go’an tahay dhaqangelinta qorsho sare loogu qaadaya soo saaridda cunnada iyo dakhliga soo galo beeralayda.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay isbeddello lagu sameynaya waaxyaha soo saaro caleenta shaaha iyo qaxwada .
Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa xusay in ay qasab tahay in isbeddelladan ay ka macaashaan beeralayda.
Xilli uu wasiirradan kula kulmay hooygiisa xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi ayuu mas’uuliyiintan ka dalbaday in dib u habeynta ay sameynayaan ay ka qayb geliyaan beeralayda iyo iskaashatada.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladdu ay diiradda saareysa sidii loo xoojin lahaa suuqgeynta badeecooyinka lagu soo saaro gudaha waddanka.