DHAGEYSO:TSC oo ballanqaad u sameysay macallimiinta

0
136

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa sheegay in mushaar kordhinta loo sameeyay bareyaasha la dhameystiri doono 30-ka bishan Siddeedaad oo ay maalmo kooban naga xigaan.
Madaxa fulinta ee TSC Nancy Macharia ayaa arrinkan shaaca ka qaadday.
Waxay sheegtay in sidii uu heshiisku ahaa mushaar kordhinta ay ka soo billaabanaysa bishii hore ee July.
Tani ayaa timid ka dib markii ay dowladdu bixisay 13 bilyan oo shilin oo loogu talagalay dhaqangelinta wajiga labaad ee heshiiska gorgortanka ku saleysan ee CBA ee ay macallimiinta doonayaan in laga dhabeeyo.
Waxay arrintan ku soo aadaysa iyadoo macallimiinta xubnaha ka ah ururka KUPPET aynan shalay iska xaadirin dugsiyada dib loo furay.
Waxay sheegayaan in kastoo ballan qaad loo sameeyay haddana in aynan weli arag mushaar loo kordhiyay.
Macallimiinta ayaa ku adkeysanaya in aynan ka tanaasuli doonin shaqo joojinta ilaa iyo inta dalabaadkooda laga oofinaya.
Qaar ka mid ah bareyaashan oo dareenkooda la wadaagay warbaahinta ayaa yiri.