Gachagua oo sheegay in guulo laga gaaray la dagaallanka maandooriyaha

0
292

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dowladdu ay guulo ka soo hooysay dagaalka ay kula jirto maandooriyaha gaar ahaan khamriga sharci darrada ka ah gudaha waddanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dadaalladii la sameeyay ay noqdeen kuwo miro dhalay ka dib markii la dhaqangeliyay tallaabooyin adag.
Gachagua ayaa carrabka ku adkeeyay in kastoo guulo la gaaray haddana in dowladdu ay sii wadi doonto ololahan.
Sidoo kale , waxaa uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada daroogada qabatimay fursad loo siiyo in ay dib ula midoobaan qoysaskooda.
Waxaa uu si gaar ah u amaanay saraakiisha qaabilsan maamulka ee dowladda sare ee ismaamullada Kiambu iyo Murang’a oo uu sheegay in ay yareeyeen isticmaalka khamriga .