Madaxweynaha dalka oo saraakiisha maamulka ku bogaadiyay kaalintooda dhanka tacliinta

0
210

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa saraakiisha dowladda sare u qaabilsan maamulka ee (NGAO) waxaa uu ku amaanay doorka ay ka qaataan sidii ay carruurta deegaannada kala duwan ku nool fursad waxbarasho u heli lahaayeen.
Hoggaamiyaha waddanka ayaa xusay in dowladdu ay ka go’an tahay sidii saraakiishan awoodsiin loogu sameyn lahaa si ay gacan uga gaystaan in la daboolo dulduleellada dhanka tacliinta ee jira.
Dhanka kale , wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa howlwadeennadan ku boorriyay in ay si dhow ula socdaan ardayda dhameeya dugsiyada hoose dhexe si loo xaqiijiyo in ay boqolkiiba boqol u gudbaan dugsiyada sare.