Hoggaamiyaha xisbiga DAP-K kana mid ah siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Eugene Wamalwa ayaa xildhibaannada baarlamaanka ka codsaday in aynan ansixin qodobbada ka mid ahaa hindise sharciyeedkii maaliyadda ee sanadkan ee dhinac la iskaga dhigay kuwaasi oo uu dhawaan wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka John Mbadi sheegay in dib loo soo celin doono.
Eugene ayaa carrabka ku adkeeyay in xubnaha golaha qaran ee xeer dejinta laga doonaya in ay arrinkan ka soo horjeestaan.
Waxaa uu tilmaamay in dibadbaxyadii ay ku dhinteen qaar ka mid ah dhallinyarada dalka ay ka billowdeen hindise sharciyeedka Finance Bill 2024 sidaasi awgeedna ay lagama maarmaan tahay in aan mar kale baarlamaanka la hor geyn si aynan taasi waddanka dhibaatooyin kale ugu horseedin.