Madaxweynaha dalka oo bogaadiyay xiriirka Kenya iyo Sacuudi Carabiya

0
330

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu qiimo qoto dheer u leeyahay xiriirka adag ee ka dhexeeya dowladda Kenya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Waxaa uu si gaar ah u tilmaamay iskaashiga dhinaca ganacsiga iyo xiriirka bulshada labada dhinac.
Ruto ayaa xusay in ay qiimeynayaan iskaashiga Kenya iyo Sacuudiga ee dhanka nabad galyada.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay boqortooyada uga mahadcelinayaan dadaallada ay ku taageerto bulshooyinka nugul ee ku nool gudaha dalka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta ururka caalamiga ee muslimiinta ee Muslim World League oo uu hor kacaya xoghayaha guud ee dalladdan Sheekh Dr. Maxamad Cabdul Karim Alissa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here