Shil ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Dadaab

0
409

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada labo qof ka dib shil gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada hoose ee Xagarbuul iyo Sareedo oo kawada tirsan deegaan baarlamaaneedka Dadaab ee ismaamulka Garissa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shilka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale.
Shilkan ayaa ka dhashay ka dib markii ay isku dhaceen gaadiidka dadweynaha ee baska iyo gaari nooca raaxada ah sidoo kalena loo adeegsado in lagu safro kaas oo loo yaqaano Probox.
Waxaa uu shilka dhacay ka dib markii mid ka mid ah labada gaari uu isku dayay in uu dhinac maro midka kale, sida aan xogta ku helnay.
Labada qof ee dhintay ayaa la sheegay inay ahaayeen hooyo iyo gabadheeda yar.
Sidoo kale dhaawacyo daran ayaa soo gaaray darawalkii waday gaariga Probox-ka ah iyo ayeeyada dhashay hooyada iyo gabadheeda ee geeriyooday, iyadoo gaariga yar uu u kireysnaa qoyska.
Dhanka kale waxaa jira dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray ilaa shan qof oo kale kuwaas oo saarnaa gaariga dadweynaha ee baska ah.
Gaadiidka gurmadka degdegga ah ee Ambulance iyo ciidamo booliis ah ayaa goobta gaaray si ay gurmad ugu fidiyaan dadka waxyeeladu soo gaartay, waxaana dhaawacyada iyo meydadka loo qaaday deegaanka Dadaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here