DHAGEYSO:Dowladda oo ballan qaadday in shacabka laga haqabtiraya baahiyaha dhanka biyaha

0
248

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku dadaalaya sidii dhammaan kenyaanka ay ku heli lahaayeen biyo nadiif ah oo ku filan.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nandi ayuu hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay sidoo kale xoogga saareysa wanaajinta kaabayaasha nadaafadda ee caasimadaha iyo magaalooyinka kale.
Waxaa uu Nandi xarigga uga jaray mashruuc biyo oo uu sheegay in ay ka faa’iidi doonaan ugu yaraan 10,000 oo qoysas ah.Bangiga horumarinta Afrika ayaa hirgelinta mashruucan ku bixiyay 200 oo milyan oo shilin iyadoo ay dowladdu ku qarash gelisay 140 milyan oo shilin.

Madaxweyne William Ruto ayaa intaasi ku daray in dowladda Shiinaha ay lacag dhan 40 bilyan oo shilin ku bixin doonto dhisidda waddooyinka guud ahaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here