Madaxweynaha dalka William Ruto oo maanta aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi kulan wadajir ah kula qaatay wasiirrada iyo xoghayeyaasha wasaaradaha kala duwan ee dowladda sare ayaa mas’uuliyiintan ku boorriyay in ay mudnaanta koowaad siiyaan u adeegidda shacabka.
Waxaa uu kula taliyay in ay xoogga saaraan dhaqangelinta barnaamijyada horumarineed iyo xeerarka lagu wanaajinaya nolosha kenyaanka.
William Ruto ayaa sheegay inuu si deggan u dhageysanayay dhaartii ay mareen wasiirrada oo ay ku saabsanayd u adeegidda qaranka iyo shacabka .
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in wasiirrada iyo xoghayeyaasha laga doonaya in aynan ku mashquulin danahooda khaaska ah, midda qoysaskooda , tan saaxiibbadooda , bulshooyinkooda iyo garabyada siyaasadeed.
Ruto ayaa sheegay in xubnaha golaha wasiirrada ee uu soo dhisay ay haystaan fursad dahabi ah oo laga doonaya in aynan lumin.
Waxaa uu wasiirrada iyo xoghayeyaasha kula dardaarmay in ay xaqiijiyaan in ay yareeyaan qarashaadka ku baxo howlaha wasaaradahooda sidoo kalena ay si wayn ula dagaallamaan musuqmaasuqa iyo ku tagriifalka kheyraadka dadweynaha.
Waxaa uu dhanka kale kenyaanka ka codsaday in ay xukuumadiisa garab ku siiyaan sidii ay ugu guulaysan lahayd fulinta ajeendayaasha horumarineed.