DHAGEYSO:Dowladda oo xaqiijisay in aynan heshiis isbeheysi la gelin ODM

0
259

Madaxweynaha dalka William Ruto oo socdaal ku tagay ismaamullada Kisii iyo Nyamira ayaa sheegay in maamulka talada waddanka haya ee Kenya Kwanza uunan xisbiga mucaaradka ee ODM la gelin heshiis ku saabsan isbeheysi.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay ku heshiiyeen in la soo dhiso xukuumad ka turjumaysa oo xoojinaysa midnimada qaran.
William Ruto ayaa sheegay in ay Kenya Kwanza iyo ODM isku afgarteen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen xallinta caqabadaha ay kenyaanka wajahayaan.
Waxaa uu difaacayay go’aankii uu golihiisa wasiirrada ugu soo daray afar ka mid ah xubnaha ODM.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in tallaabadan aynan ahayn mid lagu fulinaya dano shakhsiyeed ama kuwo siyaasadeed balse ay dani ugu jirto dhammaan shacabka.
William Ruto ayaa xisbiga ODM ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ku bogaadiyay inuu oggolaaday inuu dowladda la shaqeeyo si horumar loo gaaro.
Waxaa uu golaha fulinta ee dowladda , baarlamaanka iyo waaxda garsoorka ka codsaday in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan danaha kenyaanka.
Ruto ayaa dhanka kale siyaasiyiinta Kisii iyo Nyamira ugu baaqay in ay dhinac iskaga dhigaan kala duwanaanshaha siyaasadeed ee ka dhexeeya oo ay iska kaashadaan u adeegidda dadweynaha.

Waxaa madaxweynaha socdaalkiisa ku wehelinayay ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua, wasiirka waxbarashada ee dalka Julius Ogamba, barasaabka Kisii Simba Arati, dhigiisa Nyamira Amos Nyaribo , xildhibaano iyo wakiillada deegaannada hoose.