DHAGEYSO:Qoys qof looga dhaawacay dibadbaxyadii Khamiistii oo cadaalad dalbanaya

0
370

Waxaa dowladda cadaalad ka dalbanaya qoys ku nool magaalada Karatina ee ismaamulka Nyeri oo 8-dii bishan laga dhaawacay qof ka mid ah qoyskaasi.
Qoyskan ayaa sheegaya in wiilkooda oo lagu magacaabo Wycliffe Thiong’o uu dhaawac ka soo gaaray rasaas ay booliiska ku dhufteen waxaana hadda lagu daaweynaya qaybta daryeelka degdegga ah ee isbitaalka qaran ee Kenyatta.
Waxay maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee IPOA ka codsadeen inuu xaqiijiyo in ay cadaalad helaan.

Waxaa sidoo kale arrintan ka hadlay barasaabka ismaamulka Nyeri Mutahi Kahiga.