Israa’iil oo labo daar ku burburisay Khan Younis

0
221

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa duqeyn ay ka gaysteen magaalada Khan Younis waxay ku burburiyeen labi daar oo la degganaa.
Tani ayaa imanaysa iyadoo magaaladaasi uu ka dhaqan galay amar cusub oo daadgureyn shacab ah oo ay Israa’iil soo saartay.
Waxay arrintan ku soo aadaysa maalmo un ka dib markii Falastiiniyiinta ka barakacay Khan Younis lagu wargeliyay in ay guriyahooda dib ugu soo laabtaan.
Dhanka kale , ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintay weerarro ay Israa’iil maalmihii ugu dambeeyay la eegatay dugsiyada hooyga u ah barakacayaasha ee magaalada Qaza.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, duqeymaha militari ee ay weli Israa’iil ka wado Qaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 39,790 qof iyadoo la dhaawacay 92,002 kale.