Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa siyaasiyiinta ka codsaday in ay diiradda saaraan sidii ay uga soo bixi lahaayeen waajibaadka loo igmaday ee u adeegidda iyo matalaadda dadweynaha soo doortay.
Xilli uu ku sugnaa magaalada Kagumo ee ismaamulka Kirinyaga ayuu Gachagua carrabka ku adkeeyay in hoggaamiyaasha laga doonaya in ay jeediyaan hadallada rajo gelinaya rayidka.
Waxaa uu sidoo kale xusay in isaga iyo madaxweynaha dalka William Ruto ay si dhow u wada shaqeynayaan sidaasi awgeedna aan loo baahnayn in laga dhex abuuro khilaaf aan jirin.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa tilmaamay in ilaa iyo hadda uunan isaga ka caban in ay wada shaqeyn la’aan kala dhexeyso madaxweynaha sidaasi awgeedna ay qalad tahay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Bartamaha ay arrintan ku marin habaabiyaan shacabka.