Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa shaaciyay in gidaar loo dhisi doono suuqa Toi market ee caasimadda dalka oo maalmo ka hor gubtay.
Waxaa dhacdadaasi ku nafwaayay afar qof iyadoo ganacsatada uu soo gaaray khasaare hantiyeed.
Sidoo kale waxaa uu xusay in meesha laga saaray sabarloogooyinka dhulka suuqa Toi oo uu ku tilmaamay kuwo faalis ah.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in 100 milyan oo shilin loo qoondeeyay dib u dhisidda suuqaasi.