Israa’iil iyo Xamaas oo loogu baaqay in ay dib u billaabaan wada hadallada nabadeed

0
180

Madaxda dalalka Qatar, Masar iyo Maraykanka ayaa Israa’iil iyo Xamaas ku boorriyay in ay dib ugu soo laabtaan miiska wada hadalka si xabbad joojin waarta ay uga dhaqan gasho Qaza.
Waxaa uu qorshuhu yahay in wada xaajoodyadan ay dib u billowdaan 15-ka bishan Sideedaad.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay sii kordhaysa xiisadda ka taagan Bariga Dhexe ee ka dhalatay dilkii hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh .
Warbaahinta caalamiga ee Aljazeera ayaa ku warramaysa in Israa’iil ay aqbashay ka qayb qaadashada wada hadallada nabadeed iyadoo Xamaas aynan weli ka jawaabin casuumaadda loo fidiyay.