Xeer ilaaliyaha iyo wasiiradda arrimaha jaaliyadda bariga Afrika ee magacaaban oo maanta la turxaan bixinaya

0
174

Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan turxaan bixinta shakhsiyaadka loo soo magacaabo qabashada xilalka dowladda ayaa maanta su’aallo waydiin doono Beatrice Askul oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay wasiiradda arrimaha jaaliyadda bariga Afrika ee EAC iyo horumarinta gobollada.
Beatrice Askul ayaa horay u soo noqotay wasiiraddii arrimaha biyaha , waraabka iyo beeraha ee ismaamulka Turkana.
Waxay muddo dheer xulafo ahaayeen madaxa isbeheysiga mucaaradka ee dalka Raila Odinga oo ay ka qayb qaadatay olilihiisi doorasho ee sanadkii 2022-kii.
Waxay soo qabatay xilal kale sida sarkaalka mashaariicda ee hay’adda AMREF Kenya ee ismaamulka Turkana.
Waxay haysataa shahaadada heerka Degree ee culuunta bulshada iyadoo hadda wado heerka Masters ee maamulka iyo anshaxa.
Waxaa sidoo kale maanta la turxaan bixin doonaa xeer ilaaliyaha guud ee magacaaban ee dalka Dorcas Oduor.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii uu madaxweynaha labadan qof magacaabay sida ku xusan bayaan uu soo saaray madaxa waaxda adeegga dadweynaha ahna madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada dalka Felix Koskei.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo 19 ka mid ah xubnaha golaha wasiirrada ee waddanka shalay loo dhaariyay xilalkooda iyadoo uunan madaxweynaha weli soo magacaabin cidda beddelayaa Stella Soi Lang’at oo uu baarlamaanka diiday ansixinta magacaabideeda.
Dorcas Oduor oo haddii la ansixiyo beddeli doonto Justin Muturi ayaa hadda ah agaasime ku xigeenka waaxda dacwad oogidda dalka.
Waxay ka mid tahay qareennada la shaqeeya maxkamadda sare ee dalka.
Dorcas ayaa haysata shahaadada Masters ee maareynta iskudhacyada caalamiga ah.