Madaxweynaha dalka oo shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan wasiirrada la dhaariyay

0
303

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kenyaanka ku boorriyay in ay la shaqeeyaan wasiirrada uu soo magacaabay ee maanta la dhaariyay iyagoo siinaya fursad ay ugu adeegaan qaranka.
Baaqan ayuu diray xilli uu guddoominayay munaasabad lagu dhaarinayay 19 wasiirro ah oo uu baarlamaanka ansixiyay.
Ruto ayaa mas’uuliyiintan u sheegay inuu taageeraya ilaa iyo inta aynan baal marin waxqabadka laga doonaya ee ay dadweynaha kula xisaabtamayaan maamulkiisa.
Sidoo kale waxaa uu xusay in xubnaha mucaaradka ee uu ku soo daray golihiisa wasiirrada ay horseedi doonto fursado aan horay looga faa’iidin si dalka uu barwaaqo u gaaro.
Madaxweyne William Ruto ayaa ku baaqay in loo midoobo ka shaqeynta danta guud.
Waxaa uu wasiirrada kula taliyay in ay sameeyaan sida saxda ah si waddanka uu ugu socdo dhanka jahada wanaagsan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in dhammaan mas’uuliyiinta laga soo billaabo wasiirrada ilaa saraakiisha ugu hooseeya ee maamulka laga doonaya in ay u hoggaansamaan hal-beegyada hoggaamineed ee ku saleysan u adeegidda shacabka.
William Ruto ayaa sheegay in kenyaanka ay si cad u soo bandhigeen rabitaankooda iyo waxyaabaha ay ka rajeynayaan madaxda iyagoo muujiyay in aynan u dulqaadan karin waxqabad xumo ,musuqmaasuq iyo karti la’aan.
Waxaa ugu horreeyay oo maanta xilkiisa loo dhaariyay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki .
Waxaa ku xigtay wasiiradda gaashaandhigga Soipan Tuya.
Wasiirrada kale ee saaka la dhaariyay ayaa kala ah John Mbadi ( wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha ), Justin Muturi (Adeegga dadweynaha ) ,Aadan Barre Ducaale (wasiirka deegaanka , isbeddelka cimillada iyo kaymaha),Alice Wahome(Dhulalka , guriyeynta, howlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka) ,Julius Ogamba (Waxbarashada), Davis Chirchir (Gaadiidka iyo waddooyinka), Rebecca Miano ( Dalxiiska iyo Duurjoogta), Cali Xasan Joho(Macdanta,kheyraadka iyo arrimaha badaha), Dr.Alfred Mutua ( Shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada), Eric Muuga ( Biyaha , nadaafadda iyo waraabka), Salim Mvurya (Maalgashiga , ganacsiga iyo warshadaha),Dr. Debra Mlongo Barasa (Caafimaadka) Kipchumba Murkomen (Arrimaha dhallinyarada , cayaaraha iyo hal-abuurka dhaqaale) ,Wycliffe Oparanya(Wasiirka iskaashatooyinka iyo ganacsiyada yaryar),Opiyo Wandayi (Wasiirka tamarta iyo batroolka), Dr .Andrew Karanja (Wasiirka beeraha iyo xannaanada xoolaha) iyo Dr. Margaret Ndungu (Wasiiradda isgaarsiinta, warfaafinta, tiknolojiyadda iyo dhaqaalaha dhijitaalka ah).