Waxaa maanta xilalkooda loo dhaariyay wasiirrada uu soo magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto ee uu baarlamaanka meel mariyay in ay qaranka u adeegaan.
Wasiirrada ayaa ku dhaartay in ay u hoggaansami doonaan xeerarka dastuuriga ah.
Waxay sheegeen in ay kenyaanka ugu wada adeegi doonaan si aan eexasho iyo qof jecleysi lahayn iyagoo aan si gaar ah qofka ugu daneynayn qabiilkiisa, diintiisa iyo garabka siyaasadeed ee uu taabacsan yahay.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha waddanka William Ruto uu wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay magacyada wasiirrada la meel mariyay ee uu soo gudbiyay golaha qaran ee xeer dejinta.
Waxay xildhibaannada baarlamaanka diideen ansixinta magacaabidii Stella Soi Lang’at oo uu madaxweynaha u soo magacaabay wasiiradda wasaaradda arrimaha jinsiyadda , dhaqanka , farshaxanka iyo hiddaha.
19-ka xubnood ee saaka xilalkooda loo dhaariyay ayaa kala ah
1. John Mbadi-Wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha dalka
2. Kipchumba Murkomen- Wasiirka arrimaha dhallinyarada , hal-abuurka dhaqaale iyo cayaaraha
3. Wycliffe Oparanya-Wasiirka iskaashatooyinka iyo ganacsiyada yaryar
4. Rebecca Miano- Wasiiradda dalxiiska iyo duurjoogta
5. Opiyo Wandayi-Wasiirka tamarta iyo batroolka
6. Justin Muturi-Wasiirka adeegga dadweynaha
7. Salim Mvurya-Wasiirka ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha
8. Dr. Alfred Mutua-Wasiirka shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada
9. Xasan Cali Joho-Wasiirka macdanta iyo arrimaha badaha
10. Prof. Kithure Kindiki –Wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran.
11. Dr. Debra Mulongo Barasa –Wasiiradda caafimaadka
12. Aadan Barre Ducaale –Wasiirka deegaanka, kaymaha iyo isbeddelka cimillada
13. Davis Chirchir-Wasiirka gaadiidka iyo waddooyinka
14. Soipan Tuya –Wasiiradda gaashaandhigga
15. Eric Muga-Wasiirka biyaha,nadaafadda iyo waraabka
16. Julius Migosi –Wasiirka waxbarashada
17. Alice Wahome-Wasiiradda arrimaha dhulalka , howlaha guud , guriyeynta iyo horumarinta magaalooyinka
18. Dr .Andrew Karanja-Wasiirka beeraha iyo xannaanada xoolaha
19. Dr. Margaret Ndungu-Wasiiradda isgaarsiinta, warfaafinta, tiknolojiyadda iyo dhaqaalaha dhijitaalka ah