Dowladda oo soo saareysa aqoonsiga laga mideysan yahay ee adeegga dadweynaha

0
529

Waxaa uu qorshuhu yahay in dowladda Kenya ay soo saarto hannaan laga siman yahay oo la xiriira aqoonsiga waaxda adeegga dadweynaha.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa arrinkan maanta shaaca ka qaaday.
Waxaa uu xusay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in meesha laga saaro shaqaalaha been abuurka ah.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladdu sare ugu qaadaysa daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka ee dhammaan heerarka maamulka.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in nidaamka aqoonsiga laga hirgelin doono dhammaan waaxyaha dowladda oo ay ka mid yihiin xafiisyada dastuuriga ah.
Waxaa uu hannaankan xaqiijinaya in keliya la shaqaaleysiiyo dadka u qalmo qabashada xilalka kala duwan ee dadweynaha loogu adeego tani oo yareyn doonto khiyaanada saameysay mushaar bixinta dowladda.
Madaxweynaha ayaa cadeeyay in marka qorshahan la dhaqangeliyo uu qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha dowladda lahaan doono aqoonsi u gaar ah.
Sidoo kale waxaa uu xusay in maamulkiisa uu qorsheynaya inuu soo saaro turxaan bixin qasab ah oo ay marayaan dhammaan shaqaalaha dowladda.
Tani ayaa la doonaya in lagu xaqiijiyo hal-beegyada ugu wanaagsan ee dhanka shaqada iyo hufnaanta howlwadeennada.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray inuu jiro qorsho ballaaran oo lagula dagaallamaya musuqmaasuqa iyadoo xisaabiye kasta lagula xisaabtami doono ku tagriifalka lacagaha dadweynaha ee waaxdiisa.
Sidoo kale , waxaa la isku dubaridi doonaa geeddisocodka ay shaqaalaha dowladda ku shaacinayaan qiimaha hantidooda si dabagal loogu sameeyo isbeddellada soo kordho.
Waxaa qorshaha qayb ka ah in isbeddel lagu sameeyo xeerarka ciqaabta si qofkii musuqmaasuq lagu helo isla markiiba cadaaladda loo hor geeyo.