EACC iyo ku xigeenka xoghayaha Maraykanka ee badqabka rayidka oo kulan yeeshay

0
71

Waxaa kulan uu heerkiisu sarreeya wada yeeshay mas’uuliyiinta guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC iyo ku xigeenka xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka u qaabilsab xaqiijinta badqabka rayidka , dimuqraadiyadda iyo xuquuqul aadanaha Uzra Zeya oo Kenya booqasho ku joogto.
Waxaa haweeneydan wehelinayay safiirka Maraykanka ku matasho Kenya Ambasadoor Meg Whitman iyo xubno sare oo ka tirsan safaaradda.
Waxaa wafdigan marti geliyay ku xigeenka madaxa fulinta ee guddiga EACC Cabdi Maxamuud.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray qaabka ay EACC iyo Maraykanka uga wada shaqeyn karaan sare u qaadidda dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa iyo dembiyada dhaqaale.
Zeya ayaa hoosta ka xarriiqday in dowladda Maraykanka ay daneynaysa xoojinta dagaalka lagula jiro falalka wax isdaba marinta iyadoo la adeegsanaya iskaashiyo heer caalami ah.
Ku xigeenka madaxa fulinta ee EACC Cabdi Maxamuud ayaa dhankiisa xusay muhiimadda iskaashiga kala dhexeeya laanta dambi baarista Maraykanka ee FBI-da iyo waaxda baaritaannada ee amniga gudaha ee (HSI).
Waxaa uu intaasi ku daray in waxyaabaha ay ka faa’iideen wada shaqeyntan ay ka mid tahay tababarro , maalgelin lacageed iyo agab loo adeegsado baaritaannada.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here