Xuutiyiinta oo u hambalyeeyay madaxa cusub ee Xamaas

0
140

Kooxda Xuutiyiinta ee ka soo horjeedda dowladda Yemen ayaa u hambalyeysay Yaxya Sinwar oo loo magacaabay madaxa ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Waxaa hambalyadan diray afhayeenka Xuutiyiinta Maxamad Cabdulsalam .
Waxaa uu sheegay in ay taageero u muujinayaan Sinwar oo ay Alle u waydiinayaan inuu ku jiheeyo gudashada waajibaadkiisa xilli ay la dagaallamayaan Israa’iil.
Magacaabidda Yaxya Sinwar ayaa timid maalmo ka dib markii hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh lagu dilay caasimadda dalka Iiraan ee Tehraan.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here