DHAGEYSO:Guddoomiye Timacadde “Ma aqbaleyno in la yiraahdo Puntland waa burbureysa”

0
173

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdullaahi Xirsi Timacadde ayaa sheegay in dadka ku nool gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn aysan noqon karin dad kala go’ oo maamulo isdiidan sameysta, hayeeshee loo baahan yahay inay midoobaan.
Cabdullaahi Xirsi Timacadde oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay aas-aaslka maamulka Puntland ayaa sheegay in maamulka SSC Khaatuma iyo kan aan la aqonsaneyn ee Maakhir State aysan noqon kairn kuwo go’, hayeeshee loo baahan yahay in laga baxo gacanta Soomaliland oo meelo badan oo gobolladaasi ka tirsan maamuli jiray.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in marnaba la oggolaan doonin in la yiraahdo Puntland ayaa bubureyso, taasina aysan jirin cid ay ka yeelayaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ka hor goob fagaaro ah ka sheegay xilli Puntland uu ka taagnaa khilaaf la xiriira doorashooyinka inay Puntland burbureyso haddii ay sidaasi ku sii socoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here