Malala oo ku guul dareystay inuu hor istaago tallaabada Xasan Cumar loogu magacaabay Xoghayaha UDA

0
174

Xoghayihii Guud ee hore ee xisbiga talada waddanka haya ee UDA Cleophas Malala ayaa ku guul dareystay inuu hor istaago dhaqangelinta isbeddel dhawaan dhacay.
Tani ayaa timid ka dib markii guddiga qaabilsan xallinta murannada siyaasadeed ee dalka ee (PPDT) uu dhinac iskaga dhigay codsi uu gudbiyay Malala oo uu uga soo horjeeday in Xasan Cumar loo ansixiyay xoghayaha guud ee xisbiga UDA.
Guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafyada siyaasadeed ee PPDT ,Desma Nungo ayaa sheegay in arrintan mar kale la soo qaadi doono 13-ka bishan Sideedaad.
Malala ayaa jagadan laga xayuubiyay ka dib kulan uu yeeshay guddiga qaran ee fulinta xisbiga oo ay guddoominaysay Cecil Mbarire.
Tallaabadaasi ayaa timid ka dib toddobaadyo uu muran hoggaamineed ka dhex taagnaa UDA iyadoo Cleophas Malala lagu eedeyay inuu carqaladeynaya geeddisocodka uu madaxweynaha dalka William Ruto ku soo dhisaya xukuumad loo dhan yahay.