Shirkadda isgaarsiinta ee Airtel Kenya ayaa daahfurtay olole cusub oo loogu magacdaray GB kwa GB..
Waxaa ololahan ka faa’iidaysan karo qof kasta oo ku soo biiro macaamiisha Airtel isagoo adeegsanaya taleefoon cusub oo casri ah.
Sidoo kale waxaa uu u furan yahay macaamiishii horay u isticmaalayay adeegyada shirkadda isgaarsiinta ee Airtel ee ka gudbay taleefoonnada caadiga ee qaatay kuwa casriga ee loo yaqaano Smartphone.
Ololahan GB kwa GB waxaa uu qofka toddobaadkiiba ku helaya 1GB oo data bilaash ah oo uu adeegsanaya muddo 6 bilood ah.
Si uu qofka adeeggan uga faa’iidaysto waxaa laga doonaya inuu isbuuciiba isticmaalo ugu yaraan 50 shilin.
Airtel ayaa intaasi ku dartay in daatada 1GB ee bilaashka ah ay kuu shaqeyn karto saddex cishe.
Si aad u xaqiijiso in aad u qalanto ka faa’iidaysiga ololahan waxaad garaacdaa *544*8# adigoo isticmaalaya leenkaaga Airtel.