Ku xigeenka xoghayaha waaxda badqabka rayidka ee Maraykanka oo booqatay DCI

0
156

Waxaa xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da booqasho ku tagtay ku xigeenka xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka u qaabilsan xaqiijinta badqabka rayidka , dimuqraadiyadda iyo xuquuqul aadanaha Uzra Zeya.
Waxay halkaasi kula kulantay agaasimaha DCI-da Mr. Maxamad Ibraahim Aamiin.
Zeya ayaa waxaa wehelinaysay safiiradda Maraykanka ku matasho Kenya Ambasadoor Meg Whitman .
Waxay DCI-da ku boorrisay in ay sii joogteyso dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa iyo xaqiijinta in adeegyada shacabka la bixiyo iyadoo si buuxda loogu hoggaansamaya xeerarka dastuuriga ah iyo tixgelinta xuquuqul insaanka.
Mr. Aamiin ayaa dowladda Maraykanka uga mahadceliyay taageerrada ay siiso Kenya iyo iskaashiga kala dhexeeya ee dhanka baaritaannada iyo dacwadaha la xiriira tacaddiga jinsiyadeed ee (GBV).
Uzra Zeya ayaa sidoo kale la kulantay madaxweynaha dalka William Ruto oo sheegay in Kenya iyo Maraykanka ay wadaagaan xiriir soo jireen ah oo ku saabsan dimuqraadiyadda ,nabadgalyada , ammaanka iyo la dagaallanka argagixisada.