Barnaamijka Linda Mama oo qayb ka ah caymiska SHIF

0
295

Xoghayaha wasaaradda caafimaadka dalka Mary Muthoni ayaa xaqiijisay in Barnaamijka lagu caawiyo hooyooyinka xilliga umusha ee Linda Mama uu qayb ka yahay caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee (SHIF) .
Nidaamkan ayaa horay qayb uga ahaa caymiska NHIF ee lagu beedelaya hannaanka cusub.
Muthoni ayaa dowladda ay ka tirsan tahay ku tilmaantay mid dadkeeda dhageysata.
Waxay hooyooyinka ku nool qaybaha dalka u xaqiijisay in Barnaamijka Linda Mama uu sii jiri doono.
Waxay intaasi ku daray in hadda lagu howlan yahay geeddisocod qorshahan lagu sii wanaajinaya iyadoo ay dowladdu u qoondeynaysa 2 bilyan oo shilin.