DHAGEYSO:Qoys codsanaya in dowladda ay gacan ka gaysato sidii loo soo qaadi lahaa meydka haweeney Kenyaan ah oo ku geeriyootay Sacuudiga

0
324

Qoys ku nool deegaanka hoose Witu ee ismaamulka Lamu ayaa dowladda ka codsaday in ay gacan ka gaysato sidii loo soo qaadi lahaa meydka haweeney ku geeriyootay dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Haweeneydan geeriyootay ayaa ka mid ahayd kenyaanka ka shaqeeya dalka Sacuudiga.
Waxaa lagu magacaabi jiray Virginia Auma Ayoko oo ay da’deedu ahayd 32 sano jir.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay geeriyootay 6-dii bishii hore ee sanadkan.
Qoyskeeda ayaa sheegay inaysan ka war haynin goobta la dhigay meydka gabadhooda iyo xaaladda ay u geeriyootay.