DHAGEYSO:3 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay waddada Mwingi-Garissa

0
377

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada saddex qof oo uu mid ka mid yahay wadayaasha mootooyinka, ka dib shil laga soo tabiyay waddada wayn ee u dhexeysa magaalooyinka Mwingi iyo Garissa.
Shilka ayaa xalay fiidkii ka dhacay aagga loo yaqaano Tulimani.
Wadaha mootada iyo qof rakaab ah ayaa isla goobta ku dhintay ka dib markii uu jiiray gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda.
Qofka saddexaad ee saarnaa mootada ayaa u geeriyooday dhaawac soo gaaray.
Goobjoogayaasha shilkaasi ayaa warbaahinta uga warramay sida ay wax u dhaceen.