Cali Xasan Joho oo sheegay inuu dugsiga sare ka soo hooyay D- balse uu hadda Masters sameynaya

0
455

Guddiga baarlamaanka u qaabilsan turxaan bixinta shakhsiyaadka loo soo magacaabo xilalka dowladda ayaa su’aallo waydiiyay Cali Xasan Joho, wasiirka magacaaban ee macdanta, kheyraadka iyo arrimaha badaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in kastoo uu natiijadii imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiga sare ee KCSE-da ka soo hooyay buundo hooseysa oo ah D- in taasi aynan caqabad ku noqon oo uu sii kororsaday aqoontiisa.
Joho oo wax laga waydiiyay aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo ayaa carrabka ku adkeeyay in uu haysto labo shahaado oo ah heerka Degree-ga uuna wado mid saddexaad oo ah Masters oo uu ka sameynaya jaamacadda Harvard ee Maraykanka.
Waxaa uu cadeeyay in uu markii hore sameeyay aqoon kororsi uu ugu gudbay heerka Diploma ka hor inta uunan sameyn Degree-ga dhanka ganacsiga iyo maareynta ganacsiga oo uu ka qaatay jaamacadaha Kampala iyo Gretsa.
Waxaa uu sheegay in uunan nolol wanaagsan ku soo korin oo uu iska bixin jiray qarashaadka waxbarashada.
Cali Xasan Joho oo labo xilli soo noqday barasaabka ismaamulka Mombasa sidoo kalena ahaa xildhibaankii deegaanka Kisauni ayaa tilmaamay inuu xusuusto in maamulaha dugsiga uu u oggolaan jiray inuu xilli hore baxo si uu u shaqeysto.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu dhiirrigelin ka helay Prof. Cali Mazrui oo uu xusay inuu ka gudbay caqabado badan ugu dambeyna noqday aqoonyahaan caan ah.
Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Gladys Boss ayaa Joho waydiisay sida uu u xallin doono caqabadaha la xiriira kheyraadka badaha wuxuuna ku jawaabay in loo baahan yahay adeegsiga siyaabo kalsooni loogu beeri karo maalgashatada iyo shacabka.
Cali Xasan Joho ayaa ballan qaaday in haddii uu baarlamaanka meel mariyo magacaabidiisa uu noqon doono wasiir dhageysta daneeyayaasha kala duwan si loo helo macluumaad lagu tallaaba qaadi karo.
Joho ayaa xusay in loo baahan yahay in la eego haykalka dastuurka, xogaha iyo hanti dhowrka maxalliga ah.
Waxaa uu sheegay in wasaaradda macdanta , kheyraadka iyo arrimaha badaha ay tahay mid shaqo abuur sameyso sidaasi awgeedna la doonayo in dib loo habeeyo barnaamijka tababarka badmaxayaasha iyo kalluumeysatada si loo waafajiyo baahiyaha caalamiga ah.
Joho ayaa sheegay in haddii uu qabashada xilka wasiirnimo ku guulaysto uu xildhibaannada baarlamaanka la kaashan doono sidii isbeddel loogu sameyn lahaa xeerarka dhanka tababarrada.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in khilaafkii kala dhexeeyay maamulkii madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta uu ahaa mid la doonayay in looga saaro saaxadda siyaasadeed iyadoo la adeegsanaya aqoontiisa waxbarasho .
Waxaa uu dhanka kale beeniyay inuu ku lug leeyahay ka ganacsiga daroogada .
Cali Xasan Joho ayaa sheegay inuu sameeyo ganacsi nadiif ah oo aan wax caddeymo ah la helin ka dib markii la baaray eedeymo horay loogu jeediyay.
Wuxuu sheegay in ka dib markii uu madaxweynaha dalka William Ruto u magacaabay wasiirka macdanta iyo arrimaha badaha inuu daraasaad dabagal ah sameeyay oo ay u soo baxday in Kenya ay u baahan tahay in ay soo jiidato maalgashato dheeraad ah.
Guddiga turxaan bixinta sameynaya ee uu hoggaaminaya guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetang’ula ayaa sidoo kale maanta su’aallo waydiin doono Dr. Alfred Mutua , wasiirka magacaaban ee wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada abaare 10-ka barqannimo , Wycliffe Oparanya, wasiirka ishaashatooyinka iyo ganacsiyada yaryar (12-ka duhurnimo) , Justin Bedan Muturi, wasiirka adeegga dadweynaha (3-da galabnimo) iyo Stella Soi Langat, wasiiradda magacaaban ee jinsiyadda , dhaqanka farshaxanka iyo hiddaha oo la turxaan bixin doono 5-ta galabnimo ee maanta.