Xamaas oo billowday wada hadallo ay ku soo xulanaysa hoggaamiye cusub

0
278

Ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa sheegay inuu guda galay geeddisocod ballaaran oo wada tashiyo ku saleysan.
Waxay doonayaan in ay soo xushaan hoggaamiye cusub.
Tani ayaa ku soo aadaysa ka dib markii dhawaan madaxii Xamaas Ismaaciil Haniyeh lagu dilay caasimadda dalka Iiraan ee Tehran.
Ciidamada kacaanka islaamiga ee Iiraan ayaa dhankooda sheegay in Haniyeh lagu dilay gantaal meel dhow looga soo tuuray hooygii uu ka deggana Tehran.
Waxay mar kale ku hanjabeen in ay bixin doonaan falcelin adag oo ka dhan ah Israa’iil.