In ka badan saddex qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay teendhooyin hooy u ah dad soo barakacay kuwaasi oo laga sameeyay gudaha isbitaalka Al-Aqsa ee bartamaha magaalada Deir el-Balah ee Qaza.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in falkaasi lagu dhaawacay 18 ruux oo kale.
Weerarkan ayaa yimid saacado un ka dib markii mid kale laga gaystay dugsi hooy ah oo ku yaalla magaalada Qaza.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, ugu yaraan 39,550 qof ayaa lagu dilay duqeymaha ay ciidamada militariga ee Israa’iil weli ka wadaan Qaza halka la dhaawacay 91,280 kale.