Wasiiradda magacaaban ee warfaafinta, isgaarsiinta iyo dhaqaalaha casriga ah Dr. Margaret Nyambura Ndung’u ayaa ballan qaadday in haddii uu baarlamaanka ansixiyo magacaabideeda ay ku dadaali doonto wanaajinta tayada warbaahinta qaran ee KBC.
Waxay sheegtay in la heli karo kheyraad ku filan in shirkaddan ay guulo waawayn ku tallaabsato.
Dr. Nyambura ayaa sheegtay in KBC ay door wayn ka qaadato wargelinta bulshada marka la eego barnaamijyada iyo mashaariicda horumarineed ee dowladda.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ay eegi doonto dhanka ganacsiga ee warbaahintan.