Waxaa maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ka soo hormuuqday sarkaal ka tirsan maamulka canshuuraha dalka ee KRA.
Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa laga soo xigtay in David Omondi Omogo uu laaluush dhan 5 milyan oo shilin ka dalbaday qof lagu magacaabo Pascal Ovinda.
Waxaa uu sheegay inuu fududeyn karo in shirkadda Infinity Benefits laga dhimi karo canshuur lagu leeyahay oo dhan 25. 2 milyan.
Hasa ahaate, Omogo oo ka soo hormuuqday garsoore sare Thomas Nzyoki ayaa iska fogeeyay eedeynta loo soo jeediyay.
Waxaa lagu siidaayay damaanad lacageed oo ah 3 milyan oo shilin .
Xaakinka ayaa tuhmanaha ku amray inuu maxkamadda ku wareejiyo baasaboorkiisa sidoo kalena uunan faragelin marqaatida kiiskan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda ay dacwaddan mar kale soo qaaddo 8-da bisha Sideedaad ee sanadkan.