Garoonka cayaaraha ee Talanta oo la dhameystiri doono 2025-ka

0
170

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inuu ku farxay geeddisocodka dhismaha fagaaraha Talanta Sports Stadium ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qorshaha dowladda uu yahay in mashruucan la soo gabagabeeyo dhammaadka sanadka 2025-ka si garoonkan uu u marti geliyo cayaaraha xulalka qaaradda Afrika ee AFCON 2027.
Dowladda ayaa horay u sheegtay in garoonkan si caalami ah loo dhisaya si uu kaalin uga qaato kobcinta hibada dhanka cayaaraha ee dalka.