Guddiga qaran ee jinsiyadda iyo sinnaanta ee (NGEC) ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ku bogaadiyay inuu golihiisa wasiirrada ku soo daray ilaa 8 xubnood oo haween ah.
NGEC ayaa bayaan ku sheegtay in tani ay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday oo xoojinaysa isku dheellitirka jinsiyadeed ee dhanka matalaadda.
Waxaa uu guddigan sheegay in hadda boqolkiiba 32 ee golaha wasiirrada magacaaban ay haween yihiin.