Baarlamaanka oo galabta eegi doono miisaaniyad dheeraad ah oo ay dowladdu codsatay

0
343

Xildhibaannada golaha qaran ee xeer dejinta ayaa kal-fadhigooda galabta ku eegi doono miisaaniyad dheeraad ah oo uu gudbiyay guddoomiyaha guddiga qoondeynta miisaaniyadda ahna mudanaha laga soo doortay deegaanka Kiharu, Ndindi Nyoro.
Hindise sharciyeedkan ayaa ku saabsan dhaqaale dheeraad ah oo la doonaya in loogu talagalo arrimaha horumarka.
Sidoo kale, xildhibaannada ayaa ka doodi doono warbixino uu xafiiska hanti dhowraha guud ee dalka ka soo saaray adeegsiga lacagaha sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee NGCDF ee 9 deegaan baarlamaneed oo ka tirsan ismaamulka Bungoma.
Xubnaha baarlamaanka ayaa ka doodi doono sida howlaha golaha qaran ee xeer dejinta loogu dardargelin karo baraha online-ka.