Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi ayaa xaqiijiyay in dowladdu aynan shirkadda Adani Airports Holdings Limited la saxiixan heshiis lagu wanaajinaya tayada kaabayaasha gagida caalamiga ee diyaaradaha ee (JKIA) ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in la maraya geeddisocodka habboon ee dhanka sharciga ah si dalka uu uga faa’iido ballaarinta iyo casriyeynta garoonka.
Tani ayaa timid ka dib markii la soo tabiyay in bishii Saddexaad ee sanadkan maamulka maareeya garoomada diyaaradaha dalka ee (KAA) uu guddoomay soo jeedin ka timid shirkadda Adani oo ku saabsanayd maalgelinta mashaariicda mudnaanta leh ee garoonka JKIA.