Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in loo baahan yahay in heshiis xabbad joojin oo degdeg ah uu ka dhaqangalo Qaza.
Tani ayaa fududeyn karta in carruurta Qaza la gaarsiiyo daawooyinka looga tallaalaya cudurka dabeysha ee halkaasi saameeyay.
WHO ayaa intaasi ku dartay in xabbad joojin dhaqan gasho ay horseedaysa in la xakameeyo faafitaanka cudurka.