DHAGEYSO:Madaxda Tana River oo doonaya in laga laabto meelo loo aqoonsaday keymo

0
357

Barasaabka ismaamulka Tana River Dhadho Godhana iyo xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Bura Yaaquub Caddow ayaa dowladda ugu baaqay in ay meesha ka saarto go’aan ay horay goobaha qaar ugu aqoonsatay keymo.
Siyaasiyiintan ayaa sheegay in meelahan oo ka tirsan Bangal iyo deegaano kale ay yihiin kuwo ay shacabka deggan yihiin sidaasi awgeedna ay adkaatay in laga fuliyo mashaariicda horumarineed.
Xildhibaanka Bura ayaa dhankiisa sheegay inuu baarlamaanka u gudbin doono dacwad uu arrinkan uga soo horjeedo.