Aqalka sare ee dalka ayaa baaritaano ku sameynaya in ka badan 304 ah akoonno bangiyeed oo la sheegay in ay adeegsato dowladda hoose ee ismaamulka Baringo.
Xubnaha guddiga senate-ka u qaabilsan dowlad wadaajinta ayaa barasaabka Baringo Benjamin Cheboi oo ka soo hormuuqday ka dalbaday inuu soo gudbiyo dokumeentiyo ku saabsan heshiiska dhexmaray Baringo, xafiiska maareeyaha miisaaniyadda dowladda iyo hanti dhowraha guud ee lagu furay akoonnadan oo lagu tilmaamay kuwo sharci darro ah.
Cheboi ayaa haysta labo cishe oo uu amarkan ugu hoggaansamaya sida ku qeexan xeerka maareynta lacagaha dadweynaha ee (PFM) Act.
Senatarka ismaamulka Kisii Richard Onyonka ayaa su’aal geliyay sida ay dowladda ismaamulka Baringo ugu suurtagashay in ay furato akoonnadan tirada badan .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay suurtagal tahay in lacagaha qaar si sharci darro ah looga saaray akoonnadan.
Catherine Mumma oo si magacaabid ah ugu biirtay aqalka sare ayaa ismaamulka Baringo ka dalbatay inuu u hoggaansamo xeerarka adeegsiga lacagaha dadweynaha.
Guddoomiyaha Baringo Benjamin Cheboi ayaa dhankiisa ku jawaabay in ay akoonnadan fureen si loogu maareeyo barnaamijyada hay’adda horumarka ee laga leeyahay Denmark ee DANIDA.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in hay’addan ay sidan ku talisay si loo fududeeyo hanti dhowrka.