Kenya oo diyaar u ah in ay gudbiso musharraxnimada Raila ee AU-da

0
249

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Korir Sing’oei ayaa sheegay in dowladda Kenya ay diyaar u tahay in ay Midowga Afrika u gudbiso musharraxnimada Raila Odinga ee ku aaddan xilka guddoomiyaha guddiga AU-da.
Arrintan ayuu ku shaaciyay qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee X.
Korir ayaa tilmaamay in Midowga Afrika lala wadaagaya dokumeentiyada muujinaya waaya aragnimada siyaasadeed ee Raila iyo hiigsigiisa ku aaddan jagada uu u tartamaya.
Ra’ iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa dhankiisa xaqiijiyay inuu saxiixay dokumeentiyada ku saabsan musharraxnimadiisa.