Maxkamad ku taalla Nigeria oo xukuntay 125 ka mid ah xubnaha Boko Haram

0
190

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Nigeria ayaa sheegay in maxkamad waddankaasi ku taalla ay dembiyo ku heshay 125 qof oo lagu eedeyay in ay xubno ka yihiin kooxda Boko Xaraam ama ay maalgeliyeen falal argagixisannimo oo dhacay.
Afhayeenka xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Nigeria ,Kamarudeen Ogundele ayaa arrinkan xaqiijiyay.
Kooxda Boko Xaraam ayaa tan iyo sanadkii 2009-kii dishay kumanaan qof halka malaayiin kale ay barakicisay.
Tani ayaa horseedday in xaalado baniaadannimo ay soo foodsaareen Waqooyiga Bari ee Nigeria iyadoo dowladda dalkaasi ay ku dadaalaysa in ay colaadda soo afjarto.
Intii u dhexeysay sanadihii 2017-kii iyo 2018-kii ayay ahayd markii 163 qof lagu helay ka mid ahaanshaha Boko Xaraam iyadoo 887 oo ah eedeysanayaal kale la siidaayay ka dib markii wax dembi ah lagu waayay.