Maxkamadda oo diiday in xilka laga qaado agaasimaha NTSA

0
121

Maxkamadda qaabilsan arrimaha shaqada iyo shaqaalaha ee ismaamulka Nairobi ayaa laashay dacwad lagu doonayay inuu xafiiska banneeyo agaasimaha guud ee maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee (NTSA) George Njao.
Waxaa go’aankan soo saaray garsoore sare Byram Ongaya.
Xaakinka ayaa xusay in codsiga ku aaddan xil ka qaadista Njao uu xadgudub ku yahay geeddisocodka maxkamadda maadaama horay loo soo saaray amar lagu diiday isku daygan.
Waxaa uu uu garsooraha cadeeyay in qofka dacwadda gudbiyay laga doonayay inuunan codsi hor leh gayn balse uu racfaan ka qaato go’aankii hore.
Hasa ahaate ,Edwin Oduor oo maxkamadda u gudbiyay codsiga ayaa sheegay in uunan ku qancin go’aanka xaakinka .
Oduor ayaa ku doodaya in George Njao oo NTSA hoggaaminayay tan iyo sanadkii 2019-kii uu ku fashilmay gudashada waajibaadkiisa shaqo sidaasi awgeedna aan muddo kordhin loo sameyn karin.