Barasaabka Siaya oo weli ka soo horjeeda in xubno ka tirsan ODM loo magacaabay wasiirro

0
222

Guddoomiyaha ismaamulka Siaya James Orengo ayaa weli ku adkeysanaya in uunan taageersanayn tallaabadii uu maalmo ka hor madaxweynaha dalka William Ruto golihiisa wasiirrada ugu soo daray afar ka mid ah xubnaha xisbiga ODM.
Orengo ayaa ku andacoonaya in tani ay tahay istaraatiijiyad siyaasadeed oo lagu burburinaya garabka mucaaradka ee dalka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in magacaabidda John Mbadi , Cali Xasan Joho ,Wycliffe Oparanya iyo Opiyo Wandayi ay tahay mid looga gol-leeyahay in lagu aamusiiyo mucaaradka.
Waxaa uu garyaqaanka sare cuskaday in ilaa iyo hadda xisbiyada ODM iyo UDA aynan wada gaarin heshiis rasmi ah oo arrinkan ku aaddan.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo dhankiisa tallaabada uu qaaday difaacay ayaa sheegay inuu soo dhisaya xukuumad ka turjumaysa midnimo qaran.