Adeegga qaran ee NPS oo bogaadiyay waxqabadka booliiska la geeyay Haiti

0
192

Adeegga qaran ee booliiska ee (NPS) ayaa sheegay in howlgalka nabad sugidda ee dalka Haiti ee ay hoggaaminayaan ciidamada booliiska ee dowladda Kenya ay halkaasi gaystay uu soo hooyay guulo ka dhan ah kooxaha burcadda ee hubeysan.
Waaxdan ayaa hoosta ka xarriiqday in saraakiishu ay dib ula wareegeen dekadda APN oo ku taalla caasimadda dalka Haiti ee Port-au-Prince.
Sidoo kale NPS ayaa laga soo xigtay in ciidamadu ay sifeeyeen jid-gooyooyin laga sameeyay waddada loo maro magaalada ay burcaddu maamusho ee Ganthier.
Dowladda Kenya ayaa Haiti gaysay ugu yaraan 600 oo ka mid ah ciidamadeeda booliiska.
Saraakiishan oo kaashanaya kuwo matalaya dalal kale ayaa ciidamada Haiti garab ku siinaya in ay ka adkaadaan burcadda.
In ka badan 500,000 oo qof ayaa lagu dilay dagaallada dalkaasi ka taagan halka ku dhawaad 5 milyan oo qof ay wajahayaan macluul baahsan.
Haiti ayay isku dhacyo rabshadeysan ka taagnaayeen tan iyo markii bishii 7-aad ee sanadkii 2021-kii la dilay madaxweynihii dalkaasi Jovenel Moïse .