Wariye Cali Nuur Salaad oo xabsiga laga siidaayay

0
287

Wariye Cali Nuur Salaad oo ah agaasimaha taleefishin maxalli ah oo lagu magacaabo Dawan oo ay booliiska horay u xireen ayaa maanta xabsiga laga siidaayay, isagoo dib u helay xorriyaddiisa.
Booliiska ayaa markii la xiray Cali nuur ku eedeeyay been abuur, aflagaado iyo wax ay ku tilmaameen anshax darro.
Hasa ahaatee, ma aynan faahfaahin waxa ay eedeyntaasi tahay.
Wariye Cali Nuur Salaad oo maalmihii la soo dhaafay ku xirnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta xorriyaddiisa dib u helay, ka dib dadaallo aan kala joogsi lahayn oo intooda ugu badan ay wadeen siyaasiyiin, xildhibaano iyo bahda saxaafadda maxalliga ah kuwaas oo ku baaqay in wariyaha la siidaayo.